About Me
Waxbadan iga Ogow
Ileys waxbarasho
Ileys Waxbarasho waa madal online ah oo loogu talagalay in
lagu faafiyo aqoon la isku halayn karo oo ku saabsan cilmiga caafimaadka, self-development,
iyo buugaag gaagaaban oo kor u qaada horumarka shakhsiyeed. Ujeedadeennu waa in
qof walba helo wacyi iyo aqoon fudud oo wax weyn ka beddeli kara caafimaadkiisa
iyo noloshiisa.
Waxaan leeyahay in ka badan 8 sano oo waayo-aragnimo ah oo
ku saabsan caafimaadka, gaar ahaan Mother and Child Health (MCH). Muddooyinkaas
waxaan kasoo shaqeeyay howlaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka, waxaana ku
gaadhay heer Healthy & Nutrition Manager, taas oo iga siisay faham qoto
dheer oo ku saabsan nafaqada bulshada, caafimaadka guud, iyo maaraynta
adeegyada caafimaadka.
Waxaan ahay Bachelor of Medical Laboratory, taas oo ii
dhammeysay fahamka cilmi ahaan iyo farsamo ahaan ee caafimaadka. Intaa waxaa
dheer, waxaan haystaa tababaro xirfadeed (training certificates) oo ku saabsan:
Infection Prevention & Control (IPC)
Logistics Management Information System (LMIS)
Health Management Information System (HMIS)
Nutrition & Health Case Management
Waxaa Ileys Waxbarasho igu dhiirrigeliyay waa rabitaankayga ah
in aan bulshada la wadaago aqoon iyo khibrad si loo helo bulsho wacyigeedu
sarreeyo, caafimaadkeedu wanaagsan yahay, islamarkaana awood u leh inay nolol
tayo leh ku noolaato.
Haddii aad raadineyso koorsooyin kooban oo la fahmi karo,
talooyin caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, iyo hagitaan horumar nafeed (self-development)
— waxaad joogtaa meeshii saxda ahayd.
Ku
soo dhawoow Ileys Waxbarasho — Meesha aqoontu ka ifto!

MY EDUCATION
High School Certificate
Bachelor of Medical Laboratory
Diploma Computer

Training and Semenars
IPC Certificate HMIS & AND IDSR Certificate Leadership and good Governance Certificate IMAM Training Certificate Hospital And Pharmacy Management

EDUCATION
High School Certificate Bachelor of Medical Laboratory Diploma Computer